Shirkii Golaha wasiirada ee shalay 13 April 2017 waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la soo wareegeyso maamulka astaanka Soomaaliya ee internetka (.SO) oo ah hanti uu maamusho wasiir hore.

Dhaqaale badan oo ka soo xarooda iibinta domainka Soomaalida ayaa ku maqan shaqsi hore wasiir uga ahaa Soomaaliya muddo 4 sano ah, waxaana laga shakisan yahay inuu la heshiiyo madaxweyne kasta oo xilka yimaada si ay u wadaagaan hantidaas qaran.

Lacagaha kasoo xarooda iibka domainka .SO marna kama soo muuqan Miisaaniyadda dowladda xilligii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh, isla markaana, waxaa dhacday in xilliyadii danbe wasiir soo maray xukuumadii Cumar C/rashiid oo isku dayay inuu dacwad ku soo oogo wasiirkii hore ee heysta hantidan qaran xilka laga qaaday.

Xukuumadda cusub waxay arrintan kasoo saaray qoraal aan wax faahfaahin ah ka bixin sida ay ku dhaceyso soo wareejinta maamulka .SO, iyadoo shirkad heshiis lagula galay arrintan iyo wasiirka hore ay muddo dheer iska maamulayeen.

Wasiirka Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa golaha Wasiirada u sheegay inuu la kulmay Maxamed Aadan Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee gacanta ku haya hantidan isla markaana uu ogolaaday inuu ku wareejiyo dowladda Federaalka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey. GOLAHA WASIIRADA

HOOS KA AKHIRSO QORMOOYIN XASAASI AH OO KU SAABSAN DOMAINKA SOOMAALIDA IYO XAALADII UU SOO MARAY


Akhriso Qeybta 1-aad

KHASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir hore oo la baxsaday Hanti Qaran kuna shaqeysta (Qormada 1-aad)

Akhriso Qeybta 2-aad

KASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir la baxsaday Hanti Qaran (Qormada 2-aad & Heshiiska .SO)

Akhriso Qeybta 3-aad

KASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay wasiir hore oo la baxsaday Hanti Qaran [Ganacsiga Domainka .SO] Q-3aad