Shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku heysa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xayiraad shaqo ku soo rogtayMaareeyaha cusub ee xukuumadda Soomaaliya u magacawday dekadda Muqdisho.

Sida ay Goobjooge.com u sheegeen shaqaalaha dekadda, wakiilka shirkadda Albayrak ee Dekadda Muqdisho ayaa hor istaagay howshii Maareeyaha cusub ee dekadda Axmed Maxamed Washington.

Shirkadda Albayrak ayaa ku doodeysa in Maareeyaha dekadda aanu wax awood lahayn oo si toos ah ula shaqeynayo madaxa shirkadda ee dekadda, taasoo ay hore ugu soo dhaqmeysay intii ay la wareegtay maamulka dekadda Muqdisho.

Arrintan wax cusub ku noqotay maamulka cusub ee dekadda ayaa la ogeysiiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo booqday, waxaana wararku sheegayaan in maamulaha shirkadda Albeyrak lala sugayo xaaladdan.


Shirkadda Albayrak ee gacanta ku heysa dekadda Muqdisho ayaa la sheegay inay la wareegtay dhammaan shaqaalihii dekadda iyadoo Maareeyihii horena uu ahaa gacan-yare la shaqeeya shirkadda, waxaana hadda xaaladda ku soo baraarugay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Goobjooge.com