Thursday, April 18, 2024

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo magaaabaya Saraakiil uu ka mid yahay Gen. Yuusuf Indha-cadde

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo taliyaha cusub ee ciidamada xoogga ay wadaan isbedel lagu sameynayo taliyeyaasha iyo hogaannada ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan xilalka ka qaaday taliyeyaasha ciidamada ayaa si gaara xoogga u saaraya dib u habeynta saraakiisha ciidamada iyo hogaannada kala duwan, waxaana la sheegay inuu kulamo gaara a yeeshay saraakiil gaareysa 9 oo hore ula soo shaqeeyay.

Saraakiisha xilalka loo magacaabayo ee uu daneynayo madaxweyne Farmaajo waxaa ugu horeeya Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo hore  u soo noqday wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, lana soo shaqeeyay Farmaajo xilligii uu haa Ra’iisal wasaaraha 2011.

Ad

Madaxweynaha ayaa xafldii xuska 57 guurada ciidamada xooggga u yeeray dhammaan saraakiishii ay hore u wada shaqeeyeen oo uu ka dhex muuqday Gen. Indha-cadde isagoo sheegay inay yihiin raggii Xamar ka saaray Alshabaab.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON