Tuesday, April 16, 2024

WAR CUSUB: Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in Maamul Goboleedyada aanay Sharci ahayn

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xooshi Jibriil ayaa laga soo xigtay in maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira aanay sharciyeysneyn.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ayuu sheegay in dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka la horgeyn doono Baarlamaanka si loo sharciyeeyo.

Wuxuu intaas ku daray marka la raaco dastuurka in maamul goboleedyada la dhiso u baahan yihiin sharciyeyn iyo inuu ogolaado Baarlamaanka, taasoo aan weli dhicin, iyaguna ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.

Ad

Wuxuu caddeeyay in maamul goboleedyada intooda badan ay yihiin kumeelgaar, qaarkoodka uu muran ka taagan yahay, isla markaana uu dood ka furi doono maqaamka Gobolka Banaadir, taasoo ay ka qeybgeli doonaan maamulada dalka.

C/raxmaan Xoosh oo ah sharci-yaqaan soo ahaa wasiirka dastuurka xilligii kala guurka oo lug weyn ku lahaa dastuurka KMG ah ayaa hore loogu eedeeyay khaladaadka ku jira Dastuurka KMG ah. Arrinta sharciyeynta maamul goboleedyada la dhisay dasuurka 2012 kadib ayaa u baahan sharciyeyn inkastoo aan la ogeyn in Puntland qaban doono dastuurka KMG ah.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON