Wednesday, June 18, 2025

Shirkii Dhuusamareeb oo isu bedelay shirweynaha maamul u sameynta G/Dhexe & Madaxweynaha oo xiraya Shirkaasi (Dokumenti & Faahfaahin)

Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa laga soo saaray war-murtiyeed looga naxsaday dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii odayaasha shirkaasi ay qoraalkooda ku caddeeyeen in shirka maamul u sameynta Goboladda Dhexe lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb iyadoo hore loo qorsheeyay dowladda federaalkana dooneysay in shirkaasi lagu qabto magaalada Cadaado oo qabanqaabo u gashay marti gelintiisa.

shirka-dhusa

Arrintan ayaa ka danbeysay shirar u socday dhinacyda isku haya maamulka Goboladaasi ee fadhigoodu kala yahay Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaasoo lagu fashilmay inay heshiis ka gaaraan arrintan. Beesha Cadaado ayaa shalay ergadeeda kala baxday Shirka Dhuusamareeb iyadoo diyaarineysa shirka Cadaado. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la lahaa labada beelood ayaa isagana ay xaaladu ku adkaatay wuxuuna qorsheystay inuu socdaal degdeg ku aado magaalada Dhuusamareeb si uu xaaladda u qaboojiyo, waxaase kadib soo baxay warmurtiyeedka xaaladda oo dhan bedelay.

Ad

[ad name=”HTML-2″]

Muranka ugu weyn wuxuu ka taagan yahay arrimaha soo socda:

1. Caasimadda maamul Goboleedka la dhisayo

- Advertisement -

2. Cidda hogaanka maamulka noqoneysa

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in faragelin weyn ay arrinta ku heyso dowladda Itoobiya, wuxuuna  madaxweyne Xasan Sheekh u muuqdaa mid ku fashilmay dadaalkiisii ayaa inuu shirka maamul u sameynta u raro Cadaado, inkastoo aan la ogeyn waxa gaarka ah ee Cadaado ay madaxda dowladda Federaalka ahi ka helayaan ayaa haddana waxaa jira heshiisyo hore loo galay oo arrintan ku saabsan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu soo xiro shirka Dhuusamareeb wax kastoo ay ku qaadato waxaana la dhowrayaa tallaabada uu qaadi doono.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA ODAYAASHA DHUUSAMAREEB

WAR-MURTIYEED

- Advertisement -

WAR-MURTIYEED-02

WAR-MURTIYEED-03

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON