Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday Arbacadii 8-da Febraayo 2017 waxaa ku loolamay 21 musharax oo xilkan u taagnaa.
Ka sokow lama filaankii dhacay iyo Doorashadii uu ku soo baxay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa fashil aan la fileyn ku dhacay musharxiiin uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud oo codadkii ay filayeen ka heli waayay.
Musharaxiinta inay dib isu qiimeeyaan u baahan ma aha oo kaliya Xasan Sheekh ee waxaa jiray 18 musharax oo qaarkood fadeexad ka raacday doorashada, waxayna yimaadeen heer aan xitaa la maleyn karin.
WAXAAN IDIN SOO DIYAARINAY SAWIR MUUJINAYA SIDII WAREEGII KOOWAAD LOO KALA HELAY CADODKA.
Sawirkan wuxuu muujinayaa musharaxiintii ugu qeylada badnaa, kuwii ugu xayeysiinta badnaa inaysan codad la sheegi karo ka helin doorashada sabab kasta oo ugu wacan, waxaana ka mida;
C/llaahi Ciilmooge Xersi
Jabriil Ibraahim Cabdulle
Cali Xaaji Warsame
C/naasir Cabdulla
Maxamud Axmed Nur (Tarsan)
Shariif Sheekh Axmed
Cumar C/rashiid Cali
Musharixiintan waxay gaari waayeen heerkii laga filayay, waxayna tusaale cad ku qaadan karaan haddiiba uu damac kale ku jiro, siiba kuwii doorashada dhabta ka ahayd ee xilka madaxweynaha u taagnaa.
Goobjooge.com