Thursday, May 2, 2024

Maxkamadda Caddaaladda oo dhegeysatay Kenya [W/Q: Yusuf Garad]

-

- Advertisement -

Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ.

Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay is afgarad kala saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u dhigeyso in wadahadal ay xalliyaan dhammaan aagagga ay labada dhinac ku muransan yihiin.

hagueSidaa darteed Kenya waxay qabtaa in Soomaaliya ay xushmeyso oo ay u hoggaansanaato waxa uu qorayo Is-Af-Garad ay la saxiixatay Kenya 2009.

Kenya waxay dooddeeda u sameysay hordhac qurux badan oo muujinaya sida ay Kenya o saacidday Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Tusaale waxay Kenya u soo qaadatay soo dhoweynta qaxootiga, marti-gelinta shirkii lagu dhisay Dowladda Soomaaliya 2004, marti gelinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ilaa ay aakhirkii u suurta gashay in ay si qeyb qeyb ah ugu guuraan Soomaaliya. Kenya waxaa kale oo ay sheegtay in ay wiilasheeda iyo gabdhaheeda ciidanka ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan nabadeynta dalka, howlgalkaas oo ay ciidan badani uga dhinteen.

- Advertisement -
kooxda-kenya
Kooxda Kenya

Arrimahaas oo dhan ayaa muujinaya ayay yiraahdeen in aanay suurta-gal ka ahayn Kenya in ay bad Soomaliya leedahay ay ku xadgudubto.

Kenya waxaa wafdigeeda hoggaaminaya Garyaqaanka Guud, Githu Muigai.Madam Rose Makena Muchiri, oo ah Danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Hague. Amos Wako oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Kenya horna u ahaan jiray Garyaqaanka Guud, mas’uuliyiin kale iyo Qareenno caalami ah oou dhashay Mareykan, UK iyo Faransiis.

Berrito ayay Maxkamaddu dhegeysan doontaa jawaabta Soomaaliya.

Posted by Yusuf Garaad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dood ka dhalatay Hadal kasoo yeeray RW Xamse iyo Siyaasiyiin jawaabo culus u diray

Doo culus ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku saabsan qaabka ay noqon doonto doorashada...

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Dad ku dhintay Qarax ku Qabsaday Guri lagu diyaarinayay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa laga maqlay xaafado ka mida caasimadda Muqdisho, kuwaas khalkhal ku abuuray dadka.Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa...

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Su’aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha XDS

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa su'aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka, iyadoo ka dalbaday inay muddo...

Alshabaab oo la wareegtay Degaan muhiim ah oo hore looga saaray Gobolka SH/Dhexe

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay Degaanka Cali Fooldheere ay ka wareegeen maanta, kadib weerar kedis ah oo ay...

Saraakiisha loo xiray Leexsiga Saadkii Ciidamada Danab iyo Maraykanka oo ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kiiska lagu leexsaday Saadkii qaar ka mida ciidamada Danab ee Kumaandooska Soomaaliya oo ah ciidamo uu si gaara...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab.Qoraalka Wasaaradda ayaa...

XOGAHA QARSOON

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab.Qoraalka Wasaaradda ayaa...

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you