Saturday, April 20, 2024

KHASHIFAAD: Madaxweyne Farmaajo oo heshiis Qarsoodi ah la galay Imaaraadka [UAE vs Turkiga]

Dowladda Soomaaliya oo uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Framaajo ayaa xiriir istiraatiiji ah la sameysatay Imaaraadka Carabta kadib socdaalkiisii koowaad ee uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha.

Warar xogogaal ah oo ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegaya in Farmaajo ogolaaday dhammaan dalabyadii Imaaraadka oo ay ugu horeyso maamulka ilaha dhaqaalaha siiba dekadaha iyo inaysan dowladda ka hor imaan heshiisyada ay shirkadaha Imaaraadka la gelayaan maamulada dalka.

Imaaraadka ayaa noqonaya dowladda koowaad ee Soomaaliya caawin doonto, waxayna booskaas kala wareegeysaa Turkiga oo loolan kala dhaxeeyay xaaladda Soomaaliya, socdaalkii uga dambeeyay waxaa lagu heshiiyay heshiiyo dhowr ah oo qodob ka mida aan la shaacin.

Ad

Heshiisyadaasi waxaa ka mida: In Imaaraadku taageero dhaqaale siiyo dowladda Soomaaliya kuwaasoo ay ku jiraan dhaqaale bil waliba lagu kabayo miisaaniyadda dowladda, tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda, mashaariic horumrineed oo la fuliyo iyo deeq abaaraha Soomaaliya.

 

Taas bedelkeed dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ogolaatay saldhigga milateri ee Berbera, waxaa kaloo Imaaraadka heshiisyo la geli doonnaa maamulada dalka isagoo maamuli doona dekado iyo xarumo ciidan.

- Advertisement -

Heshiiskan aan la shaacin waxaa barbar socda rabitaanka Imaaraadka ee ah inay gacanta  ku dhigto dekadda Soomaaliya oo la filayo inay la wareegto dekadaha harsan ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan heshiis ay gaareen labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay ka mid tahay in la isla qiray inay lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON