KASHIFAAD: Yaa ka danbeeyay in Ra’iisal Wasaare loo magacaabo Xasan Cali Kheyre..?

0

Faafhaahin ayaa ka soo baxeysa magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta xilkaasi u soo xushay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa inay jiraan shaqsiyaad ka dambeeyey inuu xilkan uu hanto  Xasan Cali Kheyre oo qaraabo dhow la ah xaaska madaxweynaha.

Ninka ugu weyn ee arrintan loo saarinayo ayaa ah guddoomiyaha Xisbiga Daljir Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan kooxda Aala-sheekh, kana soo jeeda beesha Murusade, kaasoo hore ugu guuleystay in walaalkiis loo magacaabo la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweyne Farmaajo.

Ninka labaad ee arrintan ka danbeeya ayaa la sheegay inuu yahay gacan-yaraha Madaxweyne Farmaajo ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo si weyn uga hor yimid in shaqsi kasoo jeeda beelaha Abgaal ama H/Gidir loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha.

Qofka saddexaad oo madaxweyne Farmaajo ku qanciyay inuu xilkan u magacaabo Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyay inuu ka dhex baxo loolanka awoodeed ee beelaha Abgaal iyo Habargidir, iyadoo Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid ka mida la-taliyeyaasha madaxweyne Xasan Sheekh.

C/naasir Cabdull Maxamed iyo Axmed Macalin Fiqi oo olole weyn ugu jiray xilkan ayaa ku fashilmay iyagoo taageerayaashooda ka wadaagay in xilkaasi uu dhinacooda u dhacayo, ayna hubaan balanqaadka Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa Farmaajo kula taliyay inuusan xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabin beeshooda, ayna doonayaan inay ka xoreeyaan cadaadis uga yimaada beesha Muddulood, taasoo keentay in musharixiin kasoo jeeda beeshaasi ay ka caroodaan.

Dad badan ayaa aaminsan in Ra’iisal wasaaraha la magacaabay uu fursad weyn heysto isla markaana uu la shaqeyn karo madaxweynaha cusub.

Goobjooge.com