Thursday, April 18, 2024

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Beesha Caalamka ay Prof. Jawaari u aqoonsatay Madaxweyne Kumeelgaara..?

Waxaa la isla dhex marayaa warar sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ay Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya u aqoonsadeen Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Arrintan ayaa soo shaac baxday maalmihii ugu danbeeyay kadib markii la doortay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulamo is daba joog ah la yeeshay Prof. Jawaari wakiilada Beesha caalamka oo ula dhaqmaya inuu yahay mas’uulka ugu sareeya dalka.

Shirkii weynaa ee maanta Muqdisho ka dhacay ee looga dhawaaqay xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya laguna dalbaday gargaar dhan 864 Milyan oo doolar, waxaa ka dhex muuqday oo Beesha caalamka ay ku marti qaaday inuu furo kuna hadlo magaca Dowladda federaalka Guddoomiye Jawaari, taasoo xaaladda ka sii dartay.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating uu si cad ugu sheegay musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood in Soomaaliya hadda ka jiro Baarlamaan sharci ah iyo guddoonka Baarlamaankaasi oo qura.

Inkastoo Dastuurka KMG ah aanay ku caddeyn xaaladan oo kale cidda ah madaxweynaha dalka, ayaa haddana wixii ka dambeeyay 20 September wuxuu dalku ku jiray xaalad kala guur ah oo dowladii hore ay xilka si heysay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON