26.9 C
Mogadishu
Sunday, April 30, 2017

Mid ka mida saaxiibadii Madaxweyne Farmaajo oo la wareegay xilkii loo magacaabay [Sawirro]

Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle) ayaa maanta xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Maareeyihii hore ee xilka banneeyay C/waaxid Sheekh Cumar ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, isagoo maareeyaha cusub uu ku wareejiyay Documentiyada Hay;adda. Maareeyaha cusub oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa...

Danjiraha cusub ee Itoobiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiir Yuusuf Garaad

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudodomay safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya Jamaludin Mustafa Cumar. Danjiraha oo dhowaan xilka loo soo magacaabay  ayaa kasoo jeeda Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu bedelay safiirkii hore ee Itoobiya u jooga magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay inay danjiraha Itoobiya si...

Wasiirka Anniga Soomaaliya oo Afhayeen cusub u magacaabay Wasaaradiisa [Akhriso]

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay afhayeen cusub oo wasaaradiisa yeelato.Wasiirka ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii hore ee wasaaradda Amniga Cabdi Shukri Macalin, taasoo aan lagu caddeyn wareegtada waxaana afhayeenka cusub loo magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed {Axmed Carab} oo hore u ahaa afhayeen amniga ee maamulka Jubba. Xil ka qaadista iyo...

AKHRISO: Magacyada Guddiyada joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaaka oo Maanta la doortay

Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo maanta yeeshay kulankoodii 27-aad ee Kalfadhiga koowaad ayaa doortay 9 guddi oo ah kuwa joogtada ah. Shirka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi waxaa lagu ansixiyay doorsahada 9 Guddi oo midkiiba uu ka kooban yahay 5 Xildhibaan, taasoo ka dhigeysa in dhammaan Aqalka sare xubnihiisa ay guddi ka tirsan yihiin. HOOS KA AKHRISO...

Guddoomiyaha G/banaadir oo dhagax dhigay Wado cusub oo laga dhisayo Muqdisho [Sawirro]

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wado cusub oo la dayac tirayo. Xaflada dhagaxa dhigga jidka Isgoyska Degmada Kaaraan ayuu guddoomiyihu sheegay inay tahay mid muhiim u ah bulshada GObolka Banaadir, muddo toddobaadyo gudahood ahna lagu saari doono Laami. Dhismaha Wadadda Kaaraan. ayaa qeyb ka ah dib u dhiska caasimadda iyadoo ay tahay mashruucii ugu horeeyay...

DAAWO SAWIRRO: Ciidamadii ugu horeeyay ee isku dhafka Qaran oo tababar loogu xiray Kismaayo

Ciidamo isku dhaf ah oo ah kuwii ugu horeeyay ee Qaran ayaa tababar maanta loogu soo xiray magaalada Kismaayo.Ciidamadan Qaran oo meelo kala duwan la isaga keenay ayaa tiradoodu gaareysaa 1350 askari, waxaana xaflada tababarka loogu xiray ku sugnaa wasiiru dowlaha Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida. Madaxweynaha Jubaland ayaa xafladii xeritaanka tababarka sheegay in ciidamadan u baahan yihiin...

Musharax uu wato Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Cadaado [Sawirro]

Musharax la sheegay inuu tageero ka heysto madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado. Musharaxan oo lagu magacaabo  Axmed Shriif Cali Hilowle ayaa gaaray magaalada Cadaado, waxaana wararku sheegayaan inuu taageero ka heyso xildhibaano iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug. Doorashada Galmudug ayaa waxaa u taagan musharixiin dhowr ah oo xilkan doonaya, waxaana ka mida: Ex. xildhibaan...

Beesha caalamka oo Muqdisho ka bilowday ololaha diyaargarowga Shirka London [Sawirro]

Olole loogu diyaar garoobay shirka weyn ee arrimaha Soomaaliya, kana dhici doona magaalada London ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho. Kulan ay ka qeyb galeen beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ayaa maanta looga dooday u diyaargarowga shirka London iyo arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Kulanka waxaa shir guddoominayay Ra'iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya...

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqaday isedel ay ku sameyneyso sharciga Saxaafadda

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay. Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay muhiimada xeerka saxaafadda iyo in Dowladdu ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku...

Saraakiisha Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo iska difaacay Eedo loo jeediyay [Dhageyso]

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda dad dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Gaadiid galbineysay madaxweyne Farmaajo. Taliyaha howlgalinta ururka Lixdanaad ee ciidamada ilaaliya Madaxtooyada ayaa faahfaahin sheegay in shilka dhacay oo Gaari miino baarista milateriga ka mida uu ku dhintay marxuum Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta. G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaasheegay...
73,458FansLike
17FollowersFollow
751FollowersFollow

Trending

XOGAHA QARSOON