Thursday, March 28, 2024

Heshiiskii Imaaraadka lagu siiyay Saldhigga Berbera oo la saxiixay [Akhriso Qodobadda Heshiiska]

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah maanta u kala saxiixday heshiiskii muranka badan ka taagan yahay ee Saldhiga Milateri ee Imaaraadku ku yeelanayo magaalada Berbera.

Heshiiskan oo ay hore u ansixiyeen golayaasha maamulka Somaliland, waxaa Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, halka dhinaca Imaaraadka carabta uu u qalinka ugu duugay Maxamed AL-Zuweydi oo metelayay dowladda Imaaraadka.

Wafdi ka socda Somaliland oo arrintan u joogay magaalada Abu Dubai waxaa horkacayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici.

Ad

Heshiiska oo isugu jira milateri iyo maalgelin ah, una qoran sida war-mutiyeed  ayaa qodobadiisa waxay kala yihiin:

1-Somaliland waxay ogolaanho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku adeegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

- Advertisement -

2- In Imaaraadka Garoon diyaaradeed ka dhiso Berbera, kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka.

3- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.

-Fulinta Mashaariic kale oo la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

4-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

- Advertisement -

5-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland

6- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

7-Wuxu heshiiskan albaab cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

-Ugu danbeyntii waxay labada dhinac isla garteen in Imaaraadku gargaar degdeg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON