Thursday, May 2, 2024

Faarax Macalin: “Beesha caalamku waa inay joojiso xiriirka ay leeyihiin maamul Goboleedyada Somalia…”

Siyaasiga reer Kenya ee hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalkaasi Faarax Macalin ayaa beesha caalamka ku cambaareeyay sida ay ula dhaqanto dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Faarax Macalin ku sheegay in Beesha caalamka looga baahan yahay ixtiraam ay kula dhaqmaan dowladda Soomaaliya oo ay joojiyaan xiriirada ay la sameynayan madaxda maamul goboleeyada.

“Beesha caalamka waa inay ixtiraamntaa Qaranimada Soomaaliya. Waa inay joojisaa heshiisyada ay la gelayaan maamul goboleedyada iyo inay wiiqaan dowladda Muqdisho..” ayuu yiri Farax Macalin.

Ad

Wuxuu su’aal la keenay cidda sida runta ah u taageerta argagixisada Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM ay ka baxeen kadibna ay u daba mareen  kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON