Friday, April 19, 2024

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay saldhig Alshabaab ku leedahay Gobolka Gedo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn ay diyaarado dagaal ku qaadeen saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen degaanka  Yurkud ee duleedka Ceel-cadde.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn iyo guuxa diyaaradaha, waxaana sidoo kale ay maqleen jugta afar gantaal, kadib saqdii dhexe ee xalay.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana wararka laga helayo degaanka Ceelcadde ay sheegayaan in Alshabaab qasaare ka soo gaaray duqeyntaasi.

Ad

Saldhig ay ciidamada Ceel-cadde ee Gobolka Gedo  ku lahaayeeen Ciidamada Kenya ayaa looga dilay in ka badan 150 Askari.

Wasaaradda difaaca Kenya ayaa la filayaa inay war kasoo saarto duqeyntii xalay lala beegsaday saldhiga Alshabaab ee Yurkud.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON