Saturday, April 20, 2024

DHAGEYSO: Xildhibaan C/llaahi Goodax oo ku hanjabay inay soo bandhigi doonaan caddeymo culus oo ay hayaan

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo kamida mudanayaasha horkacaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ee xalay uu laalay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aanu xaq u lahayn inuu mooshinka jiritaankiisa soo gabagabeeyo isla markaana uu ka weyn yahay wax la iska laali karo.

Goodax_Bare
Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre

 

Wuxuu sheegay in go’aankaasi u yahay mid aan macne ku fadhin oo isaga u gaara, lana og yahay madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay in aanu guddoonku u dhameyn. “Baaq ayaan ka soo saari doonnaa  arrintan, go’aan cad ayaana ka qaadaneynaa, mooshinkuna waa soconayaa” ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre oo ku hanjabay inay saxaafadda ku baahin doonan wixii ay hayaan oo eedeeymo ah.

Ad

Xildhibaankan wuxuu ku dooday in Mooshinka ay madaxweynaha ka keeneen uu yahay sharci, isla markaana aanay tegi doonin wadahadal danbe, “Guddoomiyaha dhexdhexaad kama aha, wuxuu leeyahay waa la soo afjaray, marka maxaa laga hadlayaa” ayuu is weydiiyay isagoo sheegay inay guddoomiyaha Baarlamaanka u diri doonaan warqad ay ku cad yihiin tallaabada shacri ahna ay qaadan doonaan.

DHAGEYSO CODKA  XILDHIBAAN GOODAX:

GOOBJOOGE.COM

- Advertisement -

[ad name=”HTML-7″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON