Sarkaal boolis ah ayaa la dilay, mid kalena waa la dhaawacay weerar hubeysan oo ka dhacay  caawa magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay bartamaha magaalada halka lagu magacaabo Champs Elysees, waxaana dadka looga digay inay galaan goobtaasi oo xaalad halis ah ka jirto.

Howlgal weyn oo boolisku wadaan ayaa ka socda bartmaha magaalada Paris, waxaana la xiray qeybo ka mida magaalada iyadoo ciidamo fara badan loo daad gureeyay.

Weerarka ayaa ku soo beegmay iyadoo Faransiiska ay ka dhici doonto Axadda Doorasho guud oo si weyn loogu loolamayo.

Wakaalada wararka AP ayaa soo werisay in ninka hubeysan ee dilka geystay isna la dilay. warar kale ayaa soo baxaya oo sheegaya toogasho iyo weerar kale oo ka dhacay Faransiiska.

DHACDO HADDA SOCOTA…

Wakaalado