Madaxweynaha Maamulka Ahlu-Suna oo Muqdisho yimid [Akhri sababta]

0

Madaxweynaha maamulka Ahlu-Suna ee Gobollada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Ahlu suna uu ka qeybgeli doono xafladda caleemo saarka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kooxda Ahlu suna oo ka talisa qeybo ka mida Gobollada Dhexe ayaa si weyn uga soo horjeeday dowladii Xasan Sheekh, waxayna diideen inay ku biiraan maamulka Galmudug, balse waxaa muuqata inay niyad wanaag u muujiyeen madaxweynaha cusub.

Madax badan oo gudaha iyo dibadda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Farmaajo iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee madaxweynaha Ahlu sunna yimaado magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com