Thursday, April 18, 2024

XOG CULUS: Baaritaan ku socda Wasiir Lunsaday kharash loogu talogalay Dastuurka KMG ah

Fadeexad lagu lunsaday lacago loogu talogalay baahinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hareeyay Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya sida warbixino iyo qoraalo ay heshay Goobjooge.com ay muujinayaan.

Wasaaradda ayaa Qandaraas uga qaadatay Hay’adda  Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP in Dastuurka KMG ah la gaarsiiyo Gobollada Dalka, kuna qaadatay mashruuc weyn oo hanti badan lagu siiyay ayaa ku fashilantay, waxaana wasiirka Dastuurka xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen la sheegay inuu ku takri falay lacagtii loogu talogalay baahinta Dastuurka.

Qorshaha baahinta Dastuurka 

Ad

Qorshahan ayaa ujeedkiisu ahaa in ilaa shan magaalo oo ka mida Dalka lagu qabato doodo ku saabsan Dastuurka KMG ah, iyadoo shir waliba loo qoondeeyay inay ka qeyb galaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka oo laga talo gelinayo wax bedelka Dastuurka.

dasta (2)
SHIRKII DASTUURKA EE BAYDHABA

Sida mashruuca UNDP kharashkiisa bixisay sheegayo waxaa shir kasta loo qoondeeyay lacag dhan ku dhow 100,000$. Wasiir Xuseen Badni ayaa qabtay ilaa iyo imink shir ka dhacay magaalada Baydhaba, waxayna dadkii qabanqaabiyay shirka u sheegeen Goobjooge.com in shirka oo dhami ay ku baxday lacag ka yar 20,000$, iyadoo shan meelood afar, lacagtii shirkaasi ay jeebka u gashay Wasiirka iyo kaaliyihiisa ay heshiiska ku yihiin oo ah agaasimaha Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

Shirkii labaad ee Muqdisho ka dhacay oo shalay uun la soo gabagabeeyay, isagoo socday intii u dhaxeysay 24-25 April 2016. ayaa isna la sheegay in kharash aan ka badneyn kii Baydhaba lagu bixiyay.

- Advertisement -
SHIRKII MUQDISHO EE DASTUURKA
SHIRKII MUQDISHO EE DASTUURKA

CABASHADA SHAQAALAHA & KU TAKRI FALKA HANTIDA WASAARADDA

Shaqaalaha  wasaaradda Dastuurka oo ka mida kuwa ugu shaqada badan xilligan kala guurka ah ayaa qaba dhibaato ka badan tan heysata shaqaalaha kale ee dowladda, waxayna rajo badan ka qabeen mashruuca UNDP ee baahinta Dastuurka oo laga shaqaaleysiiyay 16 qof, laakiin waxaa nasiib darro noqotay inaysan muddo saddex bilood ah shaqaalaha cusubi helin wax mushaar ah.

Waxaa kaloo la yaab leh in shaqaalaha la duudsiiyay Gaari talogalay inuu shaqada geeyo mashruuca kiradiisa laga bixinayo mashruuca ay lacagtiisa bixisay UNDP, laakiin shaqaalaha ayaan helin wax gaadiid raac ah, isla markaana laga leexsaday lacagtii loogu talogalay in gaari loogu kireeyo.

Shaqaalaha mushaar la’aanta iyo gaadiid xumida ku dhacday ee Wasaaradda Dastuurka ayaa ka war helay in Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Agaasime Maxamed Abuukar Zuberyr uu mid waliba iibsaday Gaari cusub. Wasiirka ayaa iibsaday gaariga Toyota HILUX oo ah gaariga madaxda la ilaaliyo ku socdaan, halka Agaasime Zubeyr uu isna iibsaday gaari weyn oo nooca raaxada ah.

- Advertisement -

FADEEXDDA OO GAARTAY MAS’UULIYIINTA SARE EE DOWLADDA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay isku heyb yihiin, si aad ahna ula socday arrimaha Dastuurka ayaa aad ua carooday hab-dhaqanka Wasiirka Dastuurka, waxaana arrintan ka wadahadlay madaxda Sare ee dowladda oo la gaarsiiyay warbixinta mashruuca uu hantidiisa uu lunsaday wasiirka Dastuurka iyo agaasimihiisa, oo kaliya kharash baxay iyo qoraalo (reports) u gudbiya hay’adda UNDP,  iyadoo la sugayo tallaabada xigta ee la qaadi doono.

HANTI DHOWRKA OO SOO DHEX GALAY ARRINTAN

Xubno ka socda Hanti dhowrka Qaranka ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Dastuurka ee magaalada Muqdisho iyagoo xiray wasaaradda isla markaana baaritaan lama filaan ah ku bilaabay markii ay ku amreen shaqaalaha wasaaradda inay dibadda ka joogaan wasaaradda inta uu baaritaanka ku socdo.

Baaritaankan xilliga xasaasiga ah yimid  oo uu hogaaminayo hanti dhowraha guud ee  Qaranka Nuur Faarax ayaan la ogeyn cidda gadaal ka riixeysa, waxaana wasiirka uu hadda dareemayaan xaalad adag oo soo wajahday wasaaradiisa oo ku dhex jirta fadeexad hanti lunsi, taasoo ay ka war heleen, hay’adaha dowladda iyo Hay’adda UNDP ee kharashka bixisay oo hadda joojisay qarashaadkii harsanaa oo dhan.

Lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan doonto shirka weyn ee dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in horaanta Bisha May oo ka dhaco magaalada Garowe.

GOOBJOOGE.COM


DIGNIIN: Website-yada iyo qorayaasha Soomaalida waad soo xigan kartaan qormada, laakiin xatooyadu waa ku ceeb mihnada Saxaafadda

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON