Friday, April 19, 2024

Xildhibaano Mooshin ka geeyay Ra’iisal wasaaraha & Wasiirka Arrimaha Gudaha

Qaar ka midka xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka geeyay Mooshin loogu yeerayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa.

Mooshinka ayaa ku saabsan in labadaas mas’uul ay hor yimaadaan baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrinta ku saabsan Sharciga xisbiyada badan oo hore loogu eedeeyay inay dano siyaasadeed u hakiyeen si aanu baarlamaanka ugu soo gudbin.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo xisbiyo uga dhawaaqay Muqdisho ayaa hore dacwad ugu gudbiyay  Maxkamadda sare, taasoo weli aan dhinacba u dhicin, waxaana hadda dacwadaasi laga dhigay mooshin su’aalo weydiin ah oo loogu yeeray Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Ad

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON