Tuesday, April 23, 2024

Faarax Sh. C/qaadir oo bilaabay ololaha Doorashada Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa durba bilaabay ololaha doorashada Xisbiga PDP ee ay bahoobeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo asxaabtiisa loo yaqaan Damjadiid.

Ololahan ayaa ku bilowday iyadoo dib loogu yeeray kaadiriintii Xisbiga iyo  xubnaha kooxda madaxweynaha ee xilalka ka haya dowladda, waxaana saldhig KMG ah u ah Guriga Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ee magaalada Muqdisho.

Markii ugu horeysay muddo sanad ah waxaa dib loo nooleeyay baraha ay Facebook ku leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, waxaana Xildhibaanka dambe uu bilaabay inuu isku xayeysiiyo Facebook isagoo wareysi xilli hore laga qaaday ku bixinaya kharash uu iidheh uga sameeyay Facebook.

Ad

Dad badan ayaa rumeysan in olole adag ay la kulmi doonaan kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh oo lacag badan markan heysata laakiin inta badan dadka Soomaaliyeed ay necbeysteen, waxaana sii adkaan doona doorashada sanadkan oo laba gole Baarlamaan ku lug yeelan doonaan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON