Friday, April 19, 2024

DAAWO: Saddex kalluumeyso Carab ah oo helay Canbar lagu qiimeeyay 3 Milyan Doolar

Saddex kaluumeysato carab ah ayaa nasiibkooda siiyay inay helaan Canbar lagu qiimeeyay 3 Milyan oo Doolar.

Arrintan ayaa ka dhacday xeebta degaanka Qaryaat, Bariga dalka Cumaan ee Khaliijka Carabta, waxaana ay soo jilaabteen Cambar qiimihiisu gaarayo 60 ilaa 80 Kgr. Qiimaha Canbarka ayaa lagu qiyaasay saddex milyan oo doolar.

cambar

Ad

Canbarka ayaa ka timaada noolaha ugu weyn xayawaanada Badda ku nool ee Xuutka ama Nibiriga, waxayna tahay maado uu Alle ku abuuray oo uu u adeegsado inuu ku burburiyo cuntada uu badda ka helo ee adag si uu u quuto, markii ay ku badato maadadan ayuu dibadda u soo tuuraa, taasoo keenta inay Badda soo qaado.

Canbarka ayaa marka hore urtiisu ay xun tahay, laakiin markii la nadiifiyo wuxuu yeeshaa caraf aan go’in, waxaana loo adeegsadaa in lagu daro barafuunada qaaliga ah ee dunida, iyadoo qiimaha canbarka uu yahay mid aad qaali u ah dunida oo dhan, qofkii helana lagu tilmaamo qof nasiib badan.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Khaalid Suldaan, Raashid Suldaan, iyo Raashid Sinaani. Ninka hogaaminayay kooxda heshay cambarkan oo lagu magacaabo Khaalid Sinaani oo la hadlay Jariirada Times of Oman ayaa sheegay inay u adeegsadaan xarko iyo shabaakad inay si ay Doontii ay wateen ugu soo qaadaan si degdeg ahna ay xeebta ula carareen markii ay ogaadeen inay cambar heleen.

- Advertisement -

Ganacsade Sacuudi ah ayaa u gaaray kaluumeysatadan inuu halkii kiilo ka siiyo 35,000 Doolar taasoo qiimaheeda guud ka dhigeysa 2.8 Milyan oo doolar, laakiin waxay kaluumeysatada doonayaan lacag ka badan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON