Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiir ayaa Baarlamaanka Federaalka ka codsaday inuu ansixiyaan Heshiiska qaabka Doorashada ee 2016 oo ay ku heshiiyeen madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Maamulada dalka.
Cumar C/rashiid oo maanta Baarlamaanka u gudbiyey qorshaha Xukumadda ee doorashooyinka dalka 2016, ayaa sheegau in aqalka hoose ee Barlamaanka uu ka kooban doono 275 Xildhibaan kuwaasi oo lagu soo xuli doono hananka beelaha ee 4.5, aqalka sare ee Baarlamaankana ka koobnaan doono 54 mudane ay ku imaanayaan 6-da maamul goboleed ka jira dalka , isla markaana hawenku ku yeelan doonaan %30 golle kasta, iyadoo doorashada ay ka dhaceyso caasimadda dowlad goboleedyada jira, marka laga reebo maamulka Somaliland.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xildhibanaadda u akhriyey qorshaha Xukumadda ee doorashoooyinka dalka ayaa tilmaamay in hanaanka doorasho uu ku yimid wadatashi loo dhan yahay , isagoo golaha shacabaka ka dalbaday inay meel mariyaan.
Qorshaha doorashooyinka 2016-da ayaa loo qeybiyay xildhibaanada, waxaana guddoonka Baarlamaanku xildhibanaada ka codsaday inay soo akhristaan maalinta beri ah, iyadoo dooda qaabka doorashada ay bilaaban doonto isniinta.
Goobjooge.com